






Garoowe, June 07, 2023: Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & kaabayasha dhaqaalaha ayaa maanta xatunta Golaha Wakiillada kulan xog wareysi ah kula qaatay Wasiirka Howlaha guud, Gaadiidka & Guryeynta & Guddoomiyaha Hay’adda wadooyinka Puntland.
Kulankan ayaa yimid, kadib markii Guddigu dhawaan booqdeen qaybo kamid ah Jidka laamiga ah ee xiriiriya Goboladda Puntland, kaas oo wax-yeelo kasoo gaartay Roobabkii dhawaan ka da’ay deegaanka Xaaji-kheyr.
Guddiga ayaa mas’uuliyiinta weydiiyey su’aalo ku saabsan baaxada dhibka gaaray laamiga iyo talaabooyinka ilaa hada la qaaday.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.