Xaaji-kheyr: June 1, 2023: Guddiga hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & kaabayasha dhaqaalaha oo uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Gudiga Hon. Aways Ahmed Sardheye ayaa maanta booqday Jidka laamiga ah ee xiriiriya Goboladda Puntland kaas oo wax-yeelo kasoo gaartay Roobabkii dhawaan da’ay, gaar ahaana deegaanka Xaaji-kheyr.
Kormeerka shaqo waxaa ku wehliyay Xildhibaano ka tirsan Gudiga Hawlaha Guud ee Gollaha Wakiiladda, waxaana qiimeyn iyo kormeer kusameyeen baaxadda dhibka gaartay jidka.
Kormeerka Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo dastuurka Dawladda Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.