Garoowe: June 10, 2023: Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta u kuurgalay hanaanka shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Garoowe.
Guddiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyey airport-ka Maxamed Abshir Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Garoonka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, waxaana ay kormeer ku sameeyeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Garoonka.
Guddiga ayaa warbixin ku saabsan sida ay tahay shaqada Garoonka ka dhageysta Wasiirka iyo xubnaha kale, kuwaas oo la wadaagay horumarka la gaaray, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha degsan.
Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
DHAMMAAD