Garoowe, June 08, 2024: Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada oo maanta kormeer shaqo ku tagey Wasaaradaha Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga & Duulista Hawada iyo Garoomada ayaa warbixin ka ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradahaas
Ujeeddada kormeer ayaa ahayd u kuurgelidda hannaanka shaqo Wasaaradahaaas, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka DPL iyo xeerarka kale ee dalka
Mas’uuliyiinta Wasaaradaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira.
Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda.
-DHAMMAAD-




