Garoowe, Febraayo 20, 2024: Guddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorsheyaasha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo wakhtiga dhow.
Guddoomiyaha Guddiga Xild. Cabdiweli Yuusuf Warsame soo xiray kulanka, ayaa xubnaha Guddigu ku booriyey in loo diyaar garoobo fulinta qorshe hawleedka Guddiga.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland