Golaha Wakiillada

Guddiga joogta oo dhageystay warbixin ku saabsan amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Garoowe

GUDDIGA JOOGTADA AH OO MAANTA DHAGEYSTAY WARBIXIN KU SAABSAN AMNIGA CAASIMADDA GAROOWE.

Garoowe: March 08, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shir Guddoomiyey Fadhiga 6-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah horyimi Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDRta Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Taliyaha la-dagaalanka argagixisadda, Taliyaha qeybta Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe, iyagoo Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey amniga caasimadda Puntland ee Garoowe.

Dhinaca kale, Guddiga joogtada ah ayaa su’aalo ka waydiiyey mas’uuliyiinta sare ku xasan warbixinta ay la wadaageen, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta amniga caasimadda Puntland ee Garoowe.

Ugu dambeyn, Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilladu waxay mas’uuliyiinta sare ku xusan ku booriyeen in ay dar-dargelinyaan wax ka qabashada amniga caasimadda iyo la dagaallanka maandooriyaha oo dhibaato weyn ku haya amaanka magaalada Garoowe.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top