Golaha Wakiillada

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, December 02, 2024: Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa caawa si rasmi ah u furay kulan muhiim ah oo ay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland la yeesheen ururada bulshada rayidka ah ee ka hawlgala Puntland. Kulankan, oo ka dhacay Hotel Martisoor, ayaa si qoto dheer looga hadlay miisaaniyadda sannadka 2025 iyo sida loogu wajihi karo baahiyaha bulshada ee muhiimka ah.

Guddoomiye ku xigeenka, 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise, oo ka hadlay kulanka, ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in miisaaniyadda cusub ee 2025 ay si buuxda uga turjumeyso baahiyaha shacabka Puntland, iyadoo la tixgelinayo adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo daryeelka bulshada. Waxa uu sidoo kale xusay in miisaaniyadda loo baahan yahay inay noqoto mid waafaqsan qorshayaasha horumarineed ee dalka, iyadoo si hufan loo maamulayo khayraadka iyo agabka Dawladda.

Intii uu socday kulanka, Guddiga iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa si wadajir ah uga dooddayn sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo in miisaaniyadda loo qorsheeyo si ay uga jawaabto duruufaha gaarka ah ee bulshada, iyadoo la dhisayo nidaam maaliyadeed oo hufan oo waxtar leh. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la tixgeliyo talooyinka ururada bulshada si loo helo miisaaniyad waafaqsan baahiyaha shacabka.

Kulankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallo hore oo ay Guddigu ku sameeyeen kulammo lala yeeshay hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo bulshada rayidka ah, kuwaas oo laga dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sida loo horumarin karo adeegyada bulshada iyo xoojinta maamul-wanaagga. Waxaa la rajeynayaa in kulamadan ay ka qayb qaataan dhisidda miisaaniyad waxtar leh oo ka turjumaysa rabitaanka iyo baahiyaha shacabka Puntland.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top