Garoowe, October 21, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Bankiga dhexe DPL iyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal.
Guddiga oo ugu horeyn booqday Bankiga dhexe ee Dawladda ayaa halkaasi kulan kula yeeshay madaxda sare ee Bankiga, kuwaas oo warbixin kasiiyey shaqooyinka Bankigu uu hayo, waxqabadkooda iyo caqabadaha jira.
Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa mas’uuliyiinta Bankiga su’aalo ka weydiiyey arrimaha ay ka hadleen ee la xiriira shaqada ay Dawladda u hayaan.
Sidoo kale, Guddiga ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal, halkaas oo warbixin ay kaga dhageysteen Xisaabiyaha Gobolka, iyagoo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada ay hayaan ee dakhli ururinta iyo horumarinta wax-soosaarka.
DHAMMAAD.