Garoowe, November 08, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta Kulan wada tashi ah Xarunta Golaha Wakiillada kula yeeshay qaar ka mid ah Wasaaraha iyo hay’adaha Dawladda.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd la tashiga Wasaaraddaha iyo hay’adaha Dawladda ee uu khuseeyo Hindise-Xeereedka Dakhliga Cashuuraha Berriga Puntland oo Guddigu gacanta ku hayo, isla markaana ku sameynayey akhriska labaad si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada.
Ugu horeyn, Guddiga ayaa mas’uuliyiinta kulanka ka soo qeybgalay la wadaagay nuqulka Hindise-Xeereedka iyo warbixinta guud oo la xiriirta geedi socodka hanaanka Xeer-dejinta gaar ahaan hawlaha laga qabtay Hindise-Xeereedkan. Sidoo kale, waxay Guddigu mas’uuliyiinta wasaaradaha iyo hay’adaha wax ka weydiiyeen baahidda keentay wax ka bedelka Hindise-Xeereedkan iyo tabashooyinka Bulsho ee la xiriira cashuuraha.
Mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee kulan ka soo qeybgashay ayaa Guddiga warbixinta ka siiyey xaaladda Cashuuraha Berriga Puntand, sidoo kale, waxay Guddiga la wadaageen talooyin la xiriira Hindise-Xeereedka Guddiga horyaala.
Ugu dambeyntii, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ayaa sii wadi doona falan-qeynta, iyo isku-dabaridka Hindise-Xeereedka Dakhliga Cashuuraha Beriga Puntland iyadoo la filayo in ay horgeeyaan Golle weynaha Maalinta Sabtida oo tariikhdu ku beegan tahay 11 November ,2023 si Golle weynuhu ugu sameeyo akhriska seddexaad, haddii Alle idmo.
DHAMMAAD.