Garoowe, November 12, 2023: Guddiga maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda DPL.
Guddiga oo gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya hindise-xeereedka dakhliga cashuuraha berriga, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee xeer-¬hoosaadka Golaha Wakiillada waxay Wasaaradda Maaliyadda oo Xeerka soo gudbisay, ka dhageysteen aragtidooda ku aadan muhiimadda xeerkan uu u yeelanayo Dawladda Puntland, iyagoo dhanka kalena su’aalo ka weydiiyey.
DHAMMAAD.

