Garoowe: May 24,2024: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL ayaa caawa kulan xog wareysi la qaatay mas’uuliyiinta hay’addaha Maaliyadda Puntland.
Guddoomiyaha Guddiga Xild. Xasan Yuusuf Majabe ayaa shir Guddoomiyey kulanka oo uu ka soo qayb-galay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Faarax oo ay wehliyaan Mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda, Hantidhawra Guud, Guddoomiyaha & Agaasimaha Bankiga, Xoghayaha guud & saraakiil ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland.
Shirka ayaa intii uu socday lagu falanqeeyey habka wada shaqeynta Guddiga, Hay’ada kale Maaliyadda iyo xafiiska Hantidhawrka Guud si looga mara dhaliyo waajibaadka Dastuuriga ah ee Hay’adu u xilsaaran yahayihiin, waxaana shirka lagu soo bandhigay soo jeedin la xiriirta sidii loo wada shaqeyn lahaa, si waafaqsan Dastuurka DPL
DHAMMAAD.