Garoowe, December 12, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladda DPL ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey miisaaniyadda 2024 ee Golaha hortaala ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, xubnaha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda Dawladda ee 2024.
Miisaaniyada 2024-ka ayaa dhan $387,550,700, ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar), iyadoo kororka Miisaaniyaddu yahay 3% marka la bar-bar dhigo miisaaniyadii sannadkii hore.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii Guddigu waydiiyeen.
DHAMMAAD


