Gaalkacyo: 12,October, 2022: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta u kuurgalay Xaalada guud Magaalada Gaalkacyo, Gobolka Mudug.
Guddiyada ayaa ugu horeyn kormeer ku sameeyey Xarumaha Dawladda Gaalkacyo sida Xarunta Gobolka, Taliska Qaybta Booliska iyo Xarunta Wasaaradda Howlaha guud, iyagoo Xog wareystay Xaalada Gobolka sida Amniga, Abaaraha, Shaqooyinka socda, Horumarka Magaalada iyo Caqabadaha jira.
Sidoo kale, Guddiyada ayaa kormeer shaqo ku sameeyey Xarumaha adeega Bulshada sida Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug, Airport-ka Cabdullaahi Yuusuf iyo goobo kale, iyagoo Saraakiisha Xarumahaasi ka dhageystay hab sami u-socodka shaqada, habka dakhliga loo uruuriyo iyo caqabadaha jira.
Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.