Garacad: 10 October, 2022: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Dawladda ee Garacad iyo Deegaanka Kulub.
Guddiyada ka socda Baarlamanka DPL, ayaa ugu horeyn booqday Deegaanka Kulub oo hoos-yimaada Garacad, halkaas oo uu ku habsaday bacaad aasay dhismayaashii Tuulada, iyadoo Mudanayaashu u kuur-galeen xaaladda iyo sida loo samayn karo qorshe bacaad celin ah.
Sidoo kale, Guddiyada ayaa kormeer shaqo ku sameeyey Xarumaha Dawladda ee Magaalada Garacad sida Dekada Cusub, Saldhiga Booliska iyo Xarunta Dawladda Hoose, iyagoo ka xog wareystay Saraakiisha Xarumahaasi Shaqooyinka socda, waxyaabaha qabsoomay iyo caqabadaha jira.
Kormeerada ayaa kamid ah shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.