Golaha Wakiillada

Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Puntland

Garoowe, 1 December 2025 โ€“ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š, ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ ayaa maanta kulan la-tashi ah la qaatay qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Dowladda ee ka shaqeeya dakhli ururinta, iyadoo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Xasan Yusuuf Majabe.

Kulankan ayaa qayb ka ah howlaha diyaarinta Qabyo-Qoraalka Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, waxaana diiradda lagu saaray wadatashiga la xiriira dakhliga dowladda, habraacyada ururintiisa, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu kordhin karo dakhliga sanadka soo socda.

Masโ€™uuliyiintii ka socday wasaaradaha iyo hayโ€™adaha dowladda ayaa guddiga la wadaagay warbixino iyo talooyin ku saabsan dakhli ururinta dawladda iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Guddiga ayaa dhankiisa suโ€™aalo muhiim ah ka weydiiyey hayโ€™adaha, kuwaasoo ku saabsanaa qiyaasta dakhliga 2026, wada-shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda, iyo talooyinka lagu horumarin karo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka dakhli ururinta.

Ugu dambayn, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ayaa uga mahadceliyey masโ€™uuliyiinta sida ay uga soo qayb galeen kulanka, kuna bogaadiyey doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan diyaarinta miisaaniyadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha dowladda.

DHAMMAAD

Scroll to Top