Garoowe: July 22, 2023: Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada oo akhriska labaad ku sameynaya wax-kabadelka xeerka aas-aasiga ah ee Bangiga Dawladda Puntland, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay maanta kulan wada tashi ah Xarunta Golaha kula yeesheen madaxda bankiga Dawladda Puntland.
Guddiga iyo madaxda Bankiga ayaa falanqeeyey ujeeddada wax-ka badelka Xeerka iyo ahmiyadda uu u leeyahay Dawladda Puntland.
DHAMMAAD





