Garoowe, October 16, 2024 – Guddiga Shuruucda, Caddaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ururka Qareenadda Puntland.
Ujeeddda kulan ayaa ahayd Latashi ku aaddan wax-ka-baddelka Xeerka Qareennda Puntland oo Guddiga Shuruucdu gacanta ku hayey, islmarkaana ku samaynayey akhrinta labaad iyo in qareenadu ay aragtidooda ugu darsadaan wax-ka-baddelka Xeerka.
Xeerka oo muhiimad u leh horumarinta nidaamka caddaaladda iyo in bulshado loo qabto adeegyada ay u baahan yahanyihiin maxkamadda horteeda.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa diiradda saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin horumarinta nidaamka caddaaladda iyo sidii loo kordhin lahaa aqoonta qareennada si ay ugu adeegaan bulshada si hufan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland