Garoowe: October 14, 2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Hay’adda Foreensik-Sayniska Puntland.
Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay maamulka xarunta, taas oo ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha u degsan, iyadoo Hay’addu ay ka shaqeyso baarista cilmiyeed ee dembiyada.
Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa hay’adda uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed.
DHAMMAAD

