Boosaaso, 04, 2023: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka, Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka iyo Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha Golaha Wakiillada DPL oo kormeer ku jooga Gobolka Bari, ayaa booqasho ku tagay Dekedda Magaalada Boosaaso, Bangiga dawladda, Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Bari iyo xarunta Wasaaradda Gaadiidka Badda, Dekedaha & Ka hortagga Dembiyada Badda.
Mudanayaasha ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodii, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh. Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta.
Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaan Golaha Wakiilladu, kuna dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee jira.
Booqashadan ayaa qayb ka ah kormeer ay Guddiyadu ku marayeen magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari, uguna kuurgalayeen Habsami u socodka Hawlaha shaqo.
DHAMMAAD