Garoowe, 7-da Maajo 2025 – Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ururka Qareennada Haweenka Puntland (PUWLA).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada sharci ee la xiriira xuquuqda haweenka iyo dadka kaalmada sharci.
Intii uu socday kulanka, PUWLA ayaa Guddiga uga warbixisay shaqooyinka ay qabtaan, oo ay ka mid yihiin Bixinta adeegyo sharci oo bilaash ah oo loogu talagalay haweenka, carruurta, caqabadaha jira iyo qorshahooda shaqo.
Guddiga Shuruucda ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga go’an tahay la shaqeynta PUWLA, iyagoo ballanqaaday in xiriir joogto ah la yeelan doonaan ururka si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo horumarinta nidaamka caddaaladda.
DHAMMAAD –


