Garoowe: 15,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dhaqancelinta & Dastuurka DPL.

















Guddiga ayaa ugu horeyn la kulmay Wasiirka Wasaaradda, Wasiiru-dawlaha & Agaasimaha Guud, Waxayna Mudaneyaashu mas’uuliyiintan ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, Qorsheyaasha iyo Caqabadaha jira.
Ugu dambeyntii Xildhibaanada ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda, iyagoo u kuurgalay hab shaqadu u socoto iyo qorsheyaasha degsan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland