





Garoowe: June 10, 2023: Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Caddaalada Puntland.
Kulan ka qabsoomay aqalka Wakiillada ayuu Wasiirku faah-faahin ka siiyey Guddiga wixii u qabsoomay Wasaaradda, caqabadaha jira, mashaariicda socda iyo qorsheyaasha degsan.
Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha uu ka hadlay Wasiirku.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland