Garoowe, October 19, 2023: Guddiga Shuruucda & Caddaaladda ayaa maanta warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Dawladda Puntland.
Kulan ka qabsoomay Aqalka Wakiillada ayey mas’uuliyiinta maxkamaddu sharaxaad kaga bixiyeen habka shaqadu u socoto iyo caqabadaha jira.
Ugu dambeyn, Xildhibaannada ayaa mas’uuliyiinta Maxkamadda weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen iyo shaqada ay gacanta ku hayaan.


