Golaha Wakiillada

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda iyo Guddiga Xaquuqul Insaanka ayaa gaaray Dhahar ( SAWIRO)

Dhahar: 08,October 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka iyo Guddiga Xaquuqul Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta Kormeer ku tagay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.

Guddiyada ayaa booqday qaybaha kala duwan ee xarumaha Dawladda oo ay ugu horreyso Degmada, Gobolka, Saldhiga Booliska iyo xarunta Garsoorka.

Waxay Guddiyadu waxbixin mugleh ka dhagaysteen dhagaysteen Mas’uuliyiinta kala duwan ee heer Gobol, heer Degmo, bahda Garsoorka, Isku-duwayaasha
Wasaaradaha ee Gobolka, Ururka Haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxayna Guddiyada usoo gudbiyeen hawlaha kala duwan ee ka socda Gobolka Haylaan iyo sidoo kale caqabadaha jira, iyagoo Mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimaadeen Gobolka si ay ugu kuurgalaan xaalada Gobolka iyo baahiyaha jira.

Ugu dambeyntii Guddiyada Baarlamaaanka ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khusayso, kana jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda, ayna ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee Degmada iyo guud ahaanba Gobolka Haylaan.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top