Garoowe: 17,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Foorensik-Sayniska Puntland oo ay wehliyaan xubno kale oo ka tirsan Hay’addan.










Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda, taas oo ku saabsan waxqabadkoodii muddadii la soo dhaafay, caqabadaha shaqo ee jira iyo Qorsheyaasha u degsan, iyadoo Hay’addu ay ka shaqeyso baarista cilmiyeed ee dambiyada.
Ugu dambeyntii, Guddiga ayaa hay’adda uga mahadceliyey shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka reer Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale ballanqaaday inay baahiyaha jira ay horgeyn doonaan Golaha Wakiillada Kalfadhiga soo socda, sidoo kalana u gudbin doonaan cid kasta oo ay khuseyso.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland