Garoowe: 16,October, 2022: Guddiga Shuruucda, Caddaaladda Arrimaha Diinta & Dastuurka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Puntland.
Guddiga ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Taliye ku xigeenka iyo Saraakiisha kale ee Taliskaasi, Waxayna warbixintani la xidhiidhaa waxqabadka Taliskan, xaaladda Xabsiyada Puntland, Maxaabiista ku xiran iyo Caqabadaha jira.
Guddiga ayaa ballanqaaday inay baahiyaha Asluubta ay horgeyn doonaan Golaha Wakiillada marka uu furmo Kalfadhigu, sidoo kalana u gudbin doonaan cid kasta oo wax qaban karta.
Ugu dambeyntii Xildhibaannada ayaa booqday xafiisyada kala duwan ee Taliska guud ee Ciidanka Asluubta, iyagoo warbixin ka dhagaystay saraakiishii ku sugnaa.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
#Puntland #Somalia