Golaha Wakiillada

Guddiga Siyaaasadda & Qorsheynta Golaha Wakiillada ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Qorsheynta ( SAWIRO)

Garoowe: 19,October, 2022: Guddiga Siyaaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo kulan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland.

Guddiga oo maanta kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda oo uu wehliyo Agaasimaga guud iyo saraakiil kale, waxayna ka dhagaysteen warbixin ballaaran oo la xidhiidha waxqabadka Wasaaradda, Qorshayaasha hortebinta leh ee Dawladda iyo caqabadaha jira.

Waxay sidoo kale Wasaaraddu Guddiga la wadaagtay xogta iyo khariiradda mashariicaha kala duwan ee ka socda gobollada kala duwan ee Puntland iyo halka ay marayaan.

Ugu dambeyntii xildhibaanada ayaa su’aalo la xidhiidha arrimaha shaqo ee ay u xilsaaran yihiin weydiiyey mas’uuliyiinta kala duwan. Waxayna labada dhinac muujiyeen inay diyaar u yihiin in la xoojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

DHAMMAAD


Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top