Garoowe, October 22, 2022: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aaadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada DPL ayaa warbixin ka dhegeystay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadana Puntland.




Guddoomiyaha, ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Xafiiska ee ku saabsan ilaalinta Xuquuqda muwaadiniinta sida uu qabo Dastuurku iyo caqabadaha jira ee la xiriira arrimaha xuquuqda Aadanaha.
Kulankan ayaa qayb ka ah Kor-joogteynta Guddiyada Golaha Wakiillada, waxaana warbixinanada Guddiyada oo faah faahsan lagu soo bandhigi doona Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada ee furimidoona 25 Oktoobar 2022 haddii Alle Idmo.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland