Garoowe, june11, 2024: Guddiga Xuquuqul insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska ayaa maanta yeeshay kulan la qaatay.
1. Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska
2. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland
Ujeeddada kulan ayaa ahayd isbarasho iyo la socoshada hannaanka shaqo Hay’adaha Dawladda, xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dawladda si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland iyo xeerarka kale ee dalka
Mas’uuliyiinta Wasaarada Haweenka & Xafiiska Difaacaha Xuquuq Aadanaha ayaa guddiga la wadaagay waxqabadkooda muddadii ay xilka ahayeen, qorsheyaasha hortabinta u leh iyo caqabadaha jira.
Guddiga ayaa mas’uuliyihiinta kula dardaarmay in la ballaariyo adeegyada ay Wasaaraduhu u hayaan shacabka Puntland, lagana dhabeeyo hiigsiga iyo himilooyinka Puntland, lana hirgeliyo Barnaamijka Xukuumadda.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland