Guddiyada kala ah; Arimaha gudaha & Xuquuqul Insaanka iyo Amniga Golaha Wakiillada DPL oo kormeer ku jooga Gobolka Bari, ayaa booqasho ku tagay xarunta Maamulka Gobalka Bari, iyagoo Guddiyadu xaruunta gobalka kula kulmay Gudoomiyaha Gobalka Bari , Duqa Degmada Bosaaso iyo Gudigga Amniga Gobalka Bari.
Mudanayaashan ayaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ku sugnaa, iyagoo sidoo kale Guddiyada la wadaagay waxqabadkoodi, Caqabadaha jira iyo Qorshayaasha hortebinta leh. Waxa ay sidoo kale Guddiyadu su’aalo kala duwan weydiiyeen mas’uuliyiinta.
Sidoo kale guddiyadu waxay kormeereen Saldhiga bartamaha iyo garoonka kubada cagta Boosaaso.
Ugu dambeyntii, Guddiyada ayaa ballanqaaday in warbixinta ay la wadaagi doonaan cid kasta oo ay khuseyso oo ay ugu horreeyaa