Garowe – 10-ka Maajo 2025 – Guddiyada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyada iyo Maaliyadda, Dhaqaalaha, & Xisaabaadka Golaha Wakiillada ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda.
Guddiyadan oo ka duulaya Waajibaadyada shaqo ee ay u xilsaaran yihiin ayaa soo qaban-qaabiyey kulanka oo ujeedadiisu ahayd dabagalka Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose kaas oo cabasho ka timi dadweynaha ka dib Golaha Wakiilladu go’aamiyey in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo.
Ugu horeyn, waxaa Wasaaradaha sare ku xusan laga dhagaystay warbixino la xiriira dhaqangalka iyo caqabadaha ka jira Xeerka Mideynta Cashuuraha Dawladaha hoose, waxayna guddiyadu wax ka waydiiyeen cabashooyin ka yimi dadweynaha oo la xiriira noocyada iyo qiimaha cashuuraha dawladaha hoose qaadaan.
Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa la isla qaatay in Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Maaliyaddu ay guddi farsamo u saaraan wax ka bedelka iyo kaabista Xeer Lr. 04 ee 14/08/2012, kuna saabsan Sharciga Mideynta Canshuuraha D/hoose ee Puntland iyadoo la fulinayo go’aanka Golaha Wakiillada isla markaasna laga jawaabayo cabashooyinka ka iminaya dadweynaha, lana horkeeno Golaha Wakiillada ka hor Kalfadhiga Oktoobar, 2025.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada ee ku aaddan la xisaabtanka iyo korjoogteynta hay’adaha fulinta, si loo xaqiijiyo in adeegyada dowladda ay gaaraan shacabka Puntland si waafaqsan sharciga dalka.
DHAMMAAD –




