Garoowe, Agoosto 04, 2024: Waxaa saaka aqalka Wakiillada ka furmay tababar ay ka qeyb-galeen Guddiyada Xuquuqda Aadanaha, Shuruucda & Arrimaha bulshada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Aqoon isweydaarsigaan ayaa kor u qaadaya fahamka Xildhibaannada ee korjoogteynta Arrimaha xuquuqda Aadanaha waxaana soo aagaasimay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ( UNSOM) ee Puntland.
Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda & Cadaaladda Xild. Maxamuud Dhakuul Xirsi iyo Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Cabdirisaaq Xidig ayaa uga mahadceliyey xafiiska ( UNSOM) kaalinta wanaagsan oo ay ka qaadnayaan aqoon isweydaarsiga Xubnaha Golaha Golaha Wakiillada DPL ee kobicinta aqoonta iyo khibradda Xildhibaannada.
DHAMMAAD




