Goldogob: 13,October, 2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Goldogob iyo Bar Xuduudeedka Tuur-dibi.
Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha, ayaa ugu horeyn waxay kormeer ku sameeyen Xarunta Degmada Goldogob, Saldhiga Booliska, Garoonka Diyaaradaha iyo Cisbitaalka Magaalada, iyagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta kala duwan habka shaqadu u socoto, Amniga, Horumarka, Caqabadaha iyo Baahiyaha jira.






Waxaana Guddiyadu ay ballan-qaadeen in warbixinta guud ee Degmada ay u geyn doonaan Hay’addaha ay khuseyso, ayna ka jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda ee Baarlamanka.
Sidoo kale, Guddiyada ayaa booqday bar Xuduudeedka Tuur-dibi, iyagoo Saraakiisha Laanta Socdaalka iyo kuwa Kastamka ka dhageystay habka shaqada u socoto, kulana dardaarmay in Bulshada loogu adeego si hufnaan leh.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.