Golaha Wakiillada

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada oo maanta Booqday Galdogob iyo Bursaalax ( SAWIRO)

Bursaalax: 14,October, 2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo maanta Booqday Degmooyinka Galdogob iyo Bursaalax ee Gobolka Mudug.

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka, Guddiga Amniga & Nabadgalyada iyo Guddiga Howlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha, ayaa ugu horeyn booqday mashruuca Wadada isku xira Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bursaalax oo dhisme uu ku socdo, ayna iskaashanaayan Dadka Deegaanka & Dawladda Puntland.

Guddiyada ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Degmada iyo Engneerada gacanta ku haya mashruucan oo wax ka badan ka tari doona isku socodka Degmada Bursaalax iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Sidoo kale Guddiyada ayaa kormeeray Xarunta Caafimaadka ee Galdogob, iyagoo Maamulka xarunta ka dhageystay habka shaqadu u socota, Taageerada ay Wasaaradda Caafimaadka ka helaan iyo baahiyaha jira.

Guddiyadu ayaa u ballan-qaaday Shacabka & Maamulka Degmada in warbixintooda ay u geyn doonaan Hay’addaha ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyahooda ayna ka jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda ee Baarlamanka.

DHAMMAAD


Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top