Garoowe, June 03, 2023: Guddiga arrimaha gudaha, federaalka & dimuqraadiyadda iyo Guddiga xuquuqda aadanaha, arrimaha qoyska & horumarinta haweenka ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Guddiga amniga gobolka nugaal sida Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Duqa caasimadda Garoowe iyo saraakiisha amniga.
Halkaas oo Guddiya Golaha Wakiilladu ay ku dhageysteen warbixin ku saabsan xaalada guud ee gobolka gaar ahaan magaalada Garoowe sida nabadgelyada, adeegyada dawliga iyo caqabadaha jira, waxaana kadib Xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyeen arrimaha gobolka ka jira.
Guddiyada ayaa sidoo kale booqday xabsiga dhexe ee Garoowe, halkaas oo ay kulan kula qaateen Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland iyo saraakiisha kale ee Taliska, waxaana ay ka xog wareysteen xaaladda maxaabiista iyo caqabadaha jira.
Ugu dambeyntii, Guddiyada ayaa sheegay in warbixinta kormeerkooda ay hor geyn doonaan Golaha Wakiillada, iyadoo Kormeeradu ay qayb ka yihiin shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.
DHAMMAAD