Garoowe, June 06, 2023: Shirka oo qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada ayey Guddiyadu ku dhageysteen warbixin ku saasabsan shaqada wakhtigan ee nidaamka caddaalada Puntland, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoo warbixintaasi ay Guddiga u faah-faahiyeen Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda sare & Garsooreyaal kale oo ka tirsan Maxkmadda sare.
Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda iyo Guddiga Xuquuqda aadanaha, Arrimaha qoyska & Horumarinta haweenka Golaha wakiillada ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha ay ka hadleen.
Ugu dambeyntii, Xildhibaannada oo la dardaarmay Maxkamadda sare ayaa sheegay in warbixinta kormeerkooda ay hor geyn doonaan Golaha Wakiillada, sida uu qabo dastuurka Dawladda Puntland.
DHAMMAAD