Golaha Wakiillada

Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada oo u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Boocame, Gobolka Sool ( SAWIRO)

Boocame: 11,October,2022: Guddiyo ka tirsan Golaha Wakiillada DPL oo Maanta u kuurgalay Xaalada guud ee Degmada Boocame, Gobolka Sool.

Guddiyada ka socda Baarlamanka DPL, ayaa ugu horeyn kormeerkooda ku tagay Xarumaha Dawladda, sida Xarunta Gobolka Sool, mida Maamulka Degmada Boocame, Saldhiga Booliska iyo Xarunta Ciidanka Difaaca, halkaas oo ay kulan kula qaateen Guddoomiyaha Gobolka, kan Degmada iyo Taliyeyaasha Ciidanka, iyadoo Mudanayaashu u kuur-galeen xaaladda shaqo iyo caqabadaha jira.

Guddiyadda Kormeerka sameeyey ayaa kala ah Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose & Dimuqraadiyeynta iyo Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta & Isgaarsiinta, Waxaana Kormeeradu ay kamid yihiin Shaqooyinka Dastuuriga ee Golaha Wakiillada, si loo ogaado Nolosha Bulshada, Waxyaabaha Xukuummadu ay qabatay iyo Waxa laga gaabiyey.

Sidoo kale, Guddiyada ayaa kormeer shaqo ku sameeyey Ceelka Riiga ah ee Degmada, Dugsiyada Waxbarashada Dhexe & Sare iyo Xarunta Caafimaadka Magaalada, iyagoo ka xog wareystay Saraakiisha Xarumahaasi Shaqooyinka socda, waxyaabaha qabsoomay. Waxaana Guddiyaddu ay ballan-qaadeen inay baahiyaha iyo Warbixinta Guud ee Degmada ay gaarsiin doonaan cidkasta oo ay khuseyso, si looga jawaabo baahiyaha jira.

DHAMMAAD


Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Scroll to Top