Nairobi: Guddiyo kamid ah Golaha wakiiladda Dowladda Puntland oo safar aqoon kororsi jooga magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, ayaa ka qayb galay hadhimo-shareed Soo dhawayn iyo is xogwaraysi isugu jira.
Kulanka oo uu soo agaasimay Ganacsade Xaaji Ibraahim Cadde oo ka mid ah jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Kenya, sidoo kalana ay kasoo qaybgaleen, Diplomasiyiin, Ganacsato, masuuliyiin ka mid ah Jaaliyadda reer Puntland ee Dalka Kenya iyo Xildhibaanada labada aqal ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiro hore ayay uga wada hadleen xaaladda dalka, fursadaha iyo sidoo kale caqabadaha ka jira.
Xildhibaanada ayaa ganacsatada kala hadlay inay dalka maalgashadaan si ay qaybaha kala duwan ee bulshada fursado shaqo uga helaan isla markaan qayb uga noqdaan kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Puntland.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.