Garoowe: March 15, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirashid Yusuf Jibril ayaa galabta iska diiwaan-geliyey xaafada Mubaarak ee degmada Garoowe, noqdayna qofkii ugu danbeeyey ee isdiiwaangeliya, iyadoo halkaas lagusoo gebagebeeyey isdiiwaangelintii codbixiyeyaasha Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u mahadceliyay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC, iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaan-gelinta, iyo maamulka Degmadda Garoowe.
Guddoomiyaha ayaa boggaadiyey tilaabadda awooda shacabka loogu dhaweyay si ay u doortaan madaxdooda.













DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland