Dhahar September, 15, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhiga Booliska Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.
Guddoomiyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Saldhiga iyo baahiyaha ka jira ka dhagaystay Taliyaha qaybta Gobolka Haylaan iyo Saraakiisha ciidan, waxuuna ugu mahadceliyay shaqada ay u hayaan Bulshada ee sugidda Amniga iyo nabadgelyada.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa booqday Cusbitaalka weyn Degmada Dhahar, isagoo ay weheliyaan, Xildhibaano, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiiro, Guddoonka Gobolkaaya iyo Degmada iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay Saraakiisha caafimaadka ee cusbitaalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda ujooga Degmada iyagoo ka dhagaystay warbixino la xiriira baahiyaha ka jira gobolka iyo degmada ee dhanka caafimaadka, Guddoomiyaha ayaa ugu danbeyn booqday qeybaha kala duwan ee Cisbitaalku ka kooban yahay si uu ugu kuurgalo baahiyaha ka jira.
– DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland