Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeer shaqo kutegey Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Puntland iyo garoonka kubadda cagta shuhadada ee Boosaaso .

Boosaaso | 26 August 2025 โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ๐—น๐—น๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ & ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ iyo ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐˜‚๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ee magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa xarunta Wasaaradda si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, masuuliyiin iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda, Waxaa halkaas lagaga dhageystay warbixin ku saabsan howlaha iyo qorshayaasha horumarineed ee wasaaraddu wado.

Sidoo kale, waxay kormeer ku tageen Garoonka Shuhadada oo maraya marxalad gebogebo ah, halkaas oo ay warbixin kaga dhegaysteen Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Bari, bahda ciyaaraha iyo injineerada gacanta ku haya dhismaha garoonka.

DHAMMAAD โ€“

Scroll to Top