Garoowe, Agoosto 14, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiyada gaarka ah ee Goluhu u-xil-saaray arrimaha Garsoorka iyo Ururinta iyo tallo-bixinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kal-fadhiga 50-aad
Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiyada, taas oo ku saabsan shaqadii loo xil-saaray iyo halka wax u marayaan, wuxuuna uga mahadceliyey sida ay isaga xil-saareen hawshaas baaxadda leh iyo wixii uga qabsoomay.
Guddiyada ay soo jeediyey in Kal-fadhiga 50-aad ee Golaha uu sii shaqeeyo inta ay kasoo geba-geboobayaan hawlaha loo xil-saaray sidii awelba Goluhu uu isula qaatay, intaas kadib shir Guddoonka ayaa laqaatay soo-jeedintii Guddiyada.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta








