Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya.

Garoowe, September 26, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dawladda Denmark ee Soomaaliya Amb. Steen Sonne Andersen.

Guddoomiye Cabdirisaaq iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Dowladda Denmark siiso Puntland, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo arrimaha dimuqraadiyadda.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya gaar ahaan Puntland si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Madaxa Horumaarinta ee Safaaradda Jens-Peter Kamanga.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top