Garoowe, March 07, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta ka qayb galay kulamada Aqoon-is-waydaarsi ah ee ka soconaya Xarunta Golaha Wakiillada, kuwaas oo loo qabanayo Guddiyada Baarlamaanka 6-aad.
Guddiyada maanta aqoon kororsiga ka faa’ideystay waxaa kamid ah Guddiga Arrimaha bulshada, Guddiga Deegaanka, Guddiga Arrimaha Gudaha & Guddiga Anshaha ee Golaha, Waxaana intii kulanku socday ay Mudaneyaashu is dhaafsadeen doodo ku saabsan doorka & waajibaadka Guddiyada Golaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo kulanka maanta soo xiray ayaa uga mahadceliyey dhammaan xildhibaannada ka qeybgalay Aqoon-is-waydaarsigan, wuxuuna xusay in Guddi walba la siin doonno tababar u gaar ah oo ku saabsan arrimaha u xilsaaran yahay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’adda Max Planck Foundation iyo khubaradii bixineysay tababarka.
-DHAMMAAD

