Garoowe, March 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa caawa ka qayb galay kulan afur ah oo Madaxweynaha DPL Siciid Cabdulaahi Deni u sameeyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL.
Kulanka oo ka qabsoomay madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiilada Mudane, Maxamed Baari Shire, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo xubno kale oo goobta lagu casuumay.
DHAMMAAD.




