Garoowe, March 09, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta soo xiray kulamo Aqoon-is-waydaarsi ah oo maalmahan ka soconayey Xarunta Golaha Wakiillada, kuwaas oo loo qabanayey Guddiyada Baarlamaanka 6-aad.
Guddiyada maanta aqoon kororsiga ka faa’ideystay waxaa kamid ah Guddiga Maaliyadda, Guddiga Qosheynta, Guddiga Howlaha guud & Guddiga Anshaha ee Golaha, Waxaana intii kulanku socday ay Mudaneyaashu is dhaafsadeen doodo ku saabsan doorka & waajibaadka Guddiyada Golaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa uga mahadceliyey dhammaan xildhibaannada ka qeybgalay Aqoon-is-waydaarsigan, isagoo tilmaamay in aqoon kororsigan maanta la soo gaba-gabeeyey uu qayb ka yahay qorshe Guddi kasta loogu qaban doonno tababar u gaar ah oo ku aadan howlaha uu u xilsaaran yahay.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’adda Max Planck Foundation iyo khubaradii bixineysay tababarka.
-DHAMMAAD-

