Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa kulan la qaatay Jaalliyadda Puntland ee dalka Denmark ( SAWIRO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa kulan la qaatay Jaalliyadda reer Puntland ee ku nool dalka Denmark.

Kulanka ayaa iyaguna waxaa ka qayb ahaa Jaalliyadaha Soomaalida ee ku nool Magaalada Aarhus ee dalka Denmark.

Guddoomiyaha ayaa Jaalliyadda reer Puntland uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka, horumarrada ay ku tallaabsatay Dawladda Puntland, iyo qorshayaasha socda, isaga oo kula dar-daarmay Jaaliyadda inay kaalin ka qaataan horumarka, iyo maalgashiga dalka.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Jaalliyadda inay gacan ka gaystaan u gurmashada dadka reer Puntland ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen muddooyinkii dambe.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaalliyadda Puntland ee Magaalada ÅRHUS ee dalka Denmark Abshir Shiikhdoon ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL uga war-bixiyey xaaladda Qurba-joogta reer Puntland ee ku nool dalka Denmark, kaalintooda ku aadan inay qeyb ka noqdaan horumarka, maalgashiga Puntland iyo gurmadka Abaaraha.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa socdaal ku jooga maalmahaan dalka Denmark.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top