Garoowe: May 23, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baari Shire iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey kulan gaar ah oo ka qabsoomay aqalka Wakiillada.
Shirka oo ay goob-joog ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa lagu sagootinayey Guddiyo ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo dhawaan u ambabixi doona Gobolada Puntland, si ay warbixin ku aadan xaaladda guud ee dalka uga soo diyaariyaan deegaanada Dawladda Puntland ee dhinacyada amniga, cadaaladda, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo xuquuqul insaanka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray ayaa la dardaarmay Xildhibaannada iyo howlwadeennada safarka shaqo ugu baxaya Gobolada Dalka.
-DHAMMAAD