Garoowe, August 02, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabada 1-da Agoosto oo ku beegnayd sannad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay xilligii la aas-aasay Dawladda Puntland.
Xafladda oo ka qabsoontay Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdulaahi Deni,Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee GW, Mudane Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, Guddooomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweyne ku-xigeenka, Guddoomiyaha maxkamadda sare, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.
DHAMMAAD.


