Badhan: May 13, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa banaanka hore Badhan soo dhaweyn sareysa ugu sameeyey Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, xubno ka socday ururada siyaasada Puntland iyo boqolaal kamid ah shacabka Magaalada.
Guddoomiyaha oo salaan la dhex qaaday dadweynaha farabadan ee soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey sida ay u maamuuseen weftigiisa.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa hoygiisa ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.